Dhowr arrin oo sabab u ah amni-darrada iyo dilalka ka socda magaalada Muqdisho.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay mar kale ay ku laabatay dariiqii dilalka tirada badnaa. Walwalka iyo cabsida heysa Shacabka caasimadda ku nool ayaa laba jibaarantay labadii Bilood ee lasoo dhaafay.

Seddaxdii todobaad ee u dambeysay waa naadir Habeen ama Maalin aan Muqdisho lagu toogan qof shacab ah, Sida aan ogaanay seddax waji ayey dilalku leeyihiin.

Qaar waa kuwo qorsheysan oo laamaha amnigu sheegeen inay fuliyaan kooxda Al-Shabaab.
qaar waxaa fuliya burcad ka tirsan ciidanka dowladda oo rabta inay dhacaan dadka shacabka ah, kuwana waxaa dhaliya isticmaalka saa’idka ah ee daroogada oo si ba’an ugu faaftay caasimada Muqdisho.

Dadka magaalada waxay isku dhinac wadaan cabasho iyo aaska meydadka, mana muuqdo qorshe deg deg ah oo wax ka qabanaya arrintaan.
Dalku wuxuu ku jiraa xilli doorasho, dad badan waxay is waydiinayaan maxaa u sabab ah dhibaatooyinka amni ee caasimaddu la ciir-ciireyso maalmahaan.