Dib U Dhac Mar Kale Ku Yimid Doorashada Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 25-ka bisha July, 2021 lagu waday in dalka ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid markii saddexaad doorashada.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayey inay shalay soo gudbiyaan Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta u tartameysa Aqalka Sare, si Maanta ay u bilaabato doorashada, sida ku qoran Jadwalka doorashada ee lasoo saaray.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada ayaan weli soo magacaabin Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, waxaana magacaabay oo kaliya maamulka Jubbaland oo diyaar garoow wada.

Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay, iyagoona la sheegay inay isku imaan doonaan 1-da bisha soo socota ee Agoosto 2021, isla markaana ma jiro weli diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada oo socda.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale dib usii riixaysaa Jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya, xili laga heshiiyay khilaaf muddo ku dhow sanad ka taagnaa doorashada dalka.