MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha shacabka BFS ayaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 4-ta July 2020 waxaa laga hor aqrinayaa dib ugu laabashada Miisaaniyadda Dowladda 2020-ka.

Ajendaha kulanka ayaa ah:

1.  horgeynaynta ku noqoshada miisaaniyadda 2020 oo ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Golaha waxaa hortagaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Guddiga Maaliyadda oo kahor aqrinaya sababta keentay dib ugu laabashada Miisaaniyadda oo ay horay u ansixiyeen.

Xildhibaanada ayaa  dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciyo kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen Sharciga doorashooyinka, Matalaada gobolka Banaadir iyo kuwo kale.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Bishii June 6-da ayaa la furay kaldhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BFS, waxa ay yeesheen kulamo isdaba joog ah, waxaana soo maray todobaad ay shaqeeyeen 6-maalmood oo xiriir ah.