Muqdisho-Ayaamaha-Dalka Iran ayaa waxaa maalintii labaad ka socodo banaanbaxyo balaaran oo loogu soo horjeedo Diyaaradii laga lahaa dalka Ukrain ee ay soo riday militariga dalka iiraan.

Hogaamiyaasha dalkaas ayaa wajahaya caadis kaga imaanaya dalka caalamka iyo banaanbaxyo ruxay qeybo kamid ah dalka Iiraan.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayaa 176  ruux oo dhammaantoodba ay ku dhinteen.

Meelaha qaar waxaa lasoo wariyay in ay isku dhaceen dibad baxyaasha iyo booliska.

Dowladda Iran ayaa qiratay in si kam ah ay usoo riday diyaarda dalka Ukrain mar ay dul mareesay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Imaam Khumeeni.

Dibad baxyada rabshadaha wato ee kasoconaya dalka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereeso xiisada kala dhaxeeso dowladda Mareykanka.

Tan iyo markii ay diyaarada Mareykanka ay duqeen ku dileen General Khaasim Suleemaani oo ahaa hogaamiye sar oo katirsanaa dowladda Iran.