Dibad-bix maanta Hotel lagu Dhex qabtay

Isu-soo-bax ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isu-soo-baxa ayaa ahaa mid ay dhigayeen kaliya haween, kana dhacay hotel magaalada ku yaalla, ayada oo haweenka ka qeyb-galay ay muujiyeean dareenkooda ku aadan xaaladda dalka iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Hal ku dhigga haweenka ayaa ahaa “Dagaal maya, doorasho haa,” ayada oo sida muuqata ay ku weerarayeen ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay mar kale soo galaan ciidamada Badbaado Qaran.

Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay u baahan yihiin nabad iyo in laga fakiro mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

“Annaga nabad ayaan rabnaa ilmaha dhammaanaayo annaga ayaa dhalnay,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka ka hadlay kulanka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo farriin culus u dirtay madaxda Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho, ayada oo ugu baaqday inay xal gaaraan