Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare Ee K/Galbeed Oo Maanta Bilaabaneysa

BAYDHABO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah bilaabaya Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiwaan-gelinaya Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona la siin doona shahaadada Musharaxinmo.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqo doona maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horey khamiistii lasoo dhaafay doorashada qabtay Maamulka Jubbaland.

Xarunta Guddiga doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabada diiwaan-gelinta Musharaxiinta oo gaaraya 10 Musharax oo ku tartamaya Shan kursi oo laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Liiska xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee uu soo saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa laga reebay Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo.