Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilka ayaa gaystay askari katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisgo, nin dhalinyaro ah oo ladilay ayaa la sheegay in uu ku shaqeesanayay Mooto Bajaaj.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa wali yaalla Meydka Darawalka loo geystay dilkaas.

Dilalka ciidanka dowlada Soomaaliya u geesanayaan dhalinyarada ku shaqesata Mooto bajaajta ayaa mudooyinkan dambe sii kordhayay, dowlada ayaana wali ku guuleesan in ay wax ka qabato dilalka bareerka ay ciidankeeda u geestaan shacabka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa halkaasi ayaa gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Mooto Bajaajle ahaa.