Wararka aan  kahelayno Degmada Afgooye ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta ku dileen nin da’ah.

Dilkan  ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay xaafada Dhagax tuur ee degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Ninkan la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Guddoomiyaha Xuquuqul insaanka ee Gobalka Shabeellaha.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxasadeen.

Ciidamada amaanka ayaa hada waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Afgooye ayaa marar badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geystay dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.