Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka Sare oo ka socota Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka sare gaar ahaan kuwa ka imaanaya degaannada Jubbaland.

Goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa haatan kusoo qul qulaya oo badabkood gaaray Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, Xubnaha Gudiyada doorashooyinka Jubbaland, Heer Federaal & Guddiga xalinta khilaafaadka.

Xubnaha musharixiinta u ah kuraasta aqalka Sare oo garaya 9 Xubnood ayaa waxaa ay qeybta hore ee Maanta ay khudbadahooda musharaxnimo u jeedin doonaan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland kadibna ay dhici doonto doorashadooda.

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugida amniga Magalada Kismaayo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.

Sagaalka Xubnood ee Maanta ku tartami doona Afarta Kursi ee Xildhibaannada Aqalka ee doorashadooda ka dhici doonto Kismaayo, kuwaas oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin..