Muqdisho-Ayaamaha-Diyaarad Xamuul ah kuna soo jeedday Magaalada Muqdisho ayaa shalay cilladi ku wajahday Hawada waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Magaalada Gaarisa.

Diyaaraddan oo ka soo duushay Magaalada Nairobi kuna soo jeedday Muqdisho ayaa waxaa ay cilladi ka soo gaartay Matoorka,waxaana ay si deg deg ah u caga dhigatay Magaalada Gaarisa.

Diyaaradda Xamuulka ah ayaa waxaa iska leh shariyadda Jetways,waxaana nooceeda lagu sheegay 5y-JWC taas oo ka soo duushay Nairobi kuna socotay Muqdisho.

Sharikadda iska leh diyaaraddan wali kama hadlin shilkan mana jiro khasaare nafeed ama maaliyadeed oo ka dhashay maaddaama ay si nabad ah ugu degtay Garoonka diyaaradaha Gaarisa.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo shalay Hay’adda Duulista Hawada Kenya ay xannibaad saartay sharikadda diyaaradaha ee Silverstone taas oo dhowr jeer diyaaradaheeda siyaabo kala duwan ugu dhaceen gudaha Kenya.