Addis ababa-(Ayaamaha)- Diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay leedahaya Qaramada midoobay ayaa Maanta ku bur-burtay degaanka, Pagak oo ku yaalla xadka kala qeybiya Itoobiya iyo Dalka Suudaanta Koofureed.

Diyaaraddan oo ay lahaayeen Ciidamada nabad ilaalinta ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa u jooga Dalka Suudaanta Koofureed ayaanay jirin wax war ah oo kasoo baxay Qaramada midoobay oo ku aaddan bur-burka Diyaaradda, lamana sheegin khasaaro ka dhashay shilkaasi.

Diyaaradda ayaa ka duushay degaanka Pagak, iyadoo ku sii jeedday Magaalada Malakal, ee Dalka Koofur Sudan, daqiiqado ka dib markii ay duushay.