Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka fuliyay degaano katirsan Gobolka Gedo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha ka dhashay khasaaro kala duwan.

Diyaaradaha Kenya degaannada ay duqeynta ka geysteen ayaa waxaa kamid ah degaannada likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel-cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Xoolo farabadan, sidoo kale ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhaawacmay walow ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah u faah faahisay.

Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid wanaagsan.