Diyaarado sida dhimasho iyo dhaawac oo kasoo degay Muqdisho iyo khasaaro xoogan ka dhashay dagaalkii Guriceel

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalkii rogaal celinta ahaa oo ay galabta dib usoo qaadeen ciidamada taabacsan Ahlusunna Waljamaca ayaa sababtay khasaarihii ugu badnaa oo iskugu dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah

Taliyaal ciidanka xoogga ka tirsan, Saraakiil sarsare oo Danab kamid ah iyo ciidamada huwanta ee Haramcad qaarkood ayaa Ku naf waayay Dagaalka Ka dhacay Guriceel.

Waxaa geeriyooday Taliyihii Ciidanka Danab, Halka dhanka Ahlusunna uu asagana geeriyooday Taliyihii Saldhigga Booliiska Guriceel ay u magacaabeen kaas oo xalay wareysi siisayay saaxafadda madaxa bannaan.

Caawa waxaa xarunta iyo saldhiga Degmada Guriceel heysta Ahlu Sunna wal jamaaca oo galinkii dambe maanta markale dagaal kusoo qaaday halkaas.

Sida aan wararka ku helay galabta waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray diyaarado siday dhimashada iyo dhawacyada ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Guriceel.

Waxaa isa soo taraya carada xoogan ee laga muujinayo in Waqtigaan deeganada Galmudug uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.