Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si toos ah ugu baaqay in ay is casisho Ilhaan Omar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka kaddib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka.

madaxweyne Trump ayaa sheegay in Yahuud naceybku marnaba boos ku laheyn Congress –ka gudihiisa, sidaa daraadeed waxaa uu ugu baaqay Ilhaan in ay in ay iska casisho xubinnimada Congress ka ama guddiga arrimaha dibedda oo ay kamid tahay.

Ilhaan Omar waa gabar asalkeedu Soomaali yahay kana tirsan Xisbiga Dumuqraadiga ayaa dhaleeceen adag kala kulantay qoraalka ay soo dhigtay boggeeda oo ay ku sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil, laakiin raaligalin markii kadib ayeey raaligelin ka bixisay.

Trump ayaa raaligalinta Ilhaan ku sheegay mid aysan daacad ka aheyn, isaga oo intaa ku darray in erayada ay isticmaasha yihiin kuwo gunta hoose ee qalbigeeda uga yaala.