Muqdisho-(Ayaamaha)-Gaari la sheegay inuu yahay mid sido waxyaaabaha qarxa oo ay ka digeen Hay’adaha Amniga ayaa Dood kulul iyo qaraaxo ka dhaliyey baraha bulshada.
Sawirka gaarigan oo ay saxaafadda u soo bandhigtay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa dad badan dabagal ku sameeyeen sawirka gaariga waxayna kasoo heleen ‘Google’ markii ay ka baareen, taasoo keentay in baraha bulshada ay qabsato dood ku saabsan beenta la faafiyey iyo jiritaanka gaariga.
Baraha Bulshada ayaa dad badan waxay ku talax tegeen arrintan oo Booliska ku tuhmay inay dadka marin habaabinayaan qaar kalena waxay is weydiiyeen in Ciddii soo sawirtay laga rabay inay soo qabato Gaariga..!! iyadoo is weydiiyay waxa ay u soo qaban waayeen ciidamada hadiiba ay arkeen.

Sawirka Gaariga Boolisku soo bandhigay oo laga helay Google-ka ayaa Taliye Zakiya Xuseen Axmed ku tilmaantay sidan: “Baabuurka noocan ayuu u eg yahay, shacabka waa inay feejignaan u yeeshaan gawaarida noocan u eg oo ay soo wargeliyaan Booliska.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jen. Zakiya ayaa shirkeedii jaraa’id ee ku sheegtay in Gaari Land Cruizer Prado oo nooca muuqaal ay siday uu ku jiro magaalada, iyadoo caddeysay oo kaliya in gaariga laga shakisan yahay muuqaalkiisa oo noocaas yahay.

Gaarigan mid la mida waxaa Bishii Janaayo 2019 lagu qarxiyey degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, kadib markii la qabtay isagoo si weyn qaraxyo loogu soo xiray.
Booliska waa caadi inay adeegsadaan muuqaallo isu eg si ay digniin u bixiyaan ama xitaa dadka laga shakiyo gacanta lagu sawiro muuqaal soo dhoweynaya sawirkiisa dhabta ah, mana aha wax lala yaabo ama ceeb laga dhigo.

Calmadow MediaGaari la sheegay inuu sido waxyaaabaha qarxa oo ay ka digeen Hay’adaha Amniga ayaa Dood kulul iyo qaraaxo ka dhaliyey baraha bulshada.
Muuqaalka gaarigan oo ay saxaafadda u soo bandhigay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa dad badan dabagal ku sameeyeen sawirka gaariga waxayna kasoo heleen ‘Google’ markii ay ka baareen, taasoo keentay in baraha bulshada ay qabsato dood ku saabsan beenta la faafiyey iyo jiritaanka gaariga.
Dad badan ayaa ku talax tegay arrintan oo Booliska ku tuhmay inay dadka marin habaabinayaan qaar kalena waxay is weydiiyeen in Ciddii soo sawirtay laga rabay inay soo qabato Gaariga..!! iyadoo is weydiiyay waxa ay u soo qaban waayeen ciidamada.

Gaariga Boolisku soo bandhigay oo sawirkiisa laga helay Google-ka ayaa Taliye Zakiya Xuseen Axmed sida sheegtay: “Baabuurka noocan ayuu u eg yahay, shacabka waa inay feejignaan u yeeshaan gawaarida noocan u eg oo ay soo wargeliyaan Booliska.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jen. Zakiya ayaa shirkeedii jaraa’id ee galabta ku sheegtay in Gaari Land Cruizer Prado oo nooca muuqaal ay siday uu ku jiro magaalada, iyadoo caddeysay oo kaliya in gaariga laga shakisan yahay muuqaalkiisa oo noocaas yahay.

Gaarigan mid la mida waxaa Bishii Janaayo 2019 lagu qarxiyey degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, kadib markii la qabtay isagoo si weyn qaraxyo loogu soo xiray.
Booliska waa caadi inay adeegsadaan muuqaallo isu eg si ay digniin u bixiyaan ama xitaa dadka laga shakiyo gacanta lagu sawiro muuqaal soo dhoweynaya sawirkiisa dhabta ah, mana aha wax lala yaabo ama ceeb laga dhigo.