Muqdisho-Ayaamaha-Guddiga oo ra’yi uruurin ka soo sameeyay maamul goboleedyada dalka ayaa isku raacay inaan xilligan suurta gal ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalka ka qabsoonto,taas oo sahli kareyso in shacabka rabitaankooda wax ku doortaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka doodaya sharciga doorashooyinka oo ay soo gudbiyeen guddiga KMG ah ee uu dhawaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa go’aan kama dambeys ah ka soo saaraya arrintaas si loo sii amba qaado geedi socod doorashooyinka dalka.

Dhanka kale Xisbiyada mucaaradka ayaa ku raacay guddiga soo jeedinta ku aadan nuuca doorasho ee la filayo iney dalka ka dhacdo 2021,taas oo meesha ka saareysa damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qanacsaneyn natiijada guddiga soo diyaarinta sharciga doorashooyinka.

Farmaajo ayaa waxaa uu ka dalbaday guddoonka Golaha Shacabka iney sharcigan dib u eegis ku sameeyaan dalkana laga hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah.