Muqdisho-Ayaamaha-Masuul Katirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka digay in doorashada soo socota ay Baarlamaanka ka buuxsamaan Al-shabaab, sidoo kalena xildhibaanno noqdaan.

Xildhibaanka Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ka hadlay Golaha shacabka gaar ahaanna habka ay noqoneyso doorashada soo socota waxaana uu sheegay in haddii lagu laabto doorashadii ergooyinka ee dhacday 2016 ay suuragal tahay in la doorto Xildhibaanno AL-shabaab ah, ama ay Xildhibaannada doortaan Madaxweyne raacsan AL-shabaab.

Waxaa uu ka digay in doorashada ergooyinka lagu laabto,waxaana uu soo jeediyay in la qaato doorashada qof iyo cod.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku dooday in la beddelo nidaamkii hore isaga oo shaki ka muujiyay ergooyinkii ay u yeereen AL-shabaab oo uu sheegay in qorshaha doorashada qeyb ka noqon karaan Al-shabaab.

Mr Siraaji ayaa waxaa uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana hadalkan uu ka sheegay kulan ay golaha uga doodayeen xeerka doorashooyinka ee ay Guddiga Xildhibaanada Golaha shacabka ee doorashooyinka soo diyaariyeen.