Doorashada gudoonka golaha shacabka oo loo wareejiyey teendhada Afisiyooni

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga qabanaya doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa waxay shaaciyeen in la wareejiyey goobta doorashada ka dhici laheyd oo ah xarunta Villa Hargeysa arimo jirow awgeed.

Gudoomiyaha guddiga doorashada qabanaya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in doorashada guddoonka ka dhici doonto teendhada afisiyooni maalmo kadib.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay Hoolka Afisiyooni, isaga oo sababta ku sheegay in munaasabadda doorashada la doonayo in la ballaariyo oo dad badan ay kasoo qeyb galaan.

Waxa uu gudoomiyaha sheegay in Amni xumo awgeed iyo farsamo ahaan mukeyfyada xarunta baarlamaanka ay uga wareejiyeen doorashada iyo howlaheeda ka wareejiyeen halkaasi.

Hore ayey xildhibaanada qaar ucodsadeen in doorashada lagu qabto guddoonka baarlamaanka teendhada Afisiyooni,amni ahaana halkaasi ay ku haboon tahay.