Doorashada kuraastii ugu dambeysay ee taalla Magaalada Baraawe oo la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT ayaa shaaciyey qeybtii labaad 13 kursi deegaan doorashada KGS Baraawe.

Waxay guddiga sheegeen in ay ergada war geliyeen in doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen usoo diyaar garoobaan.

Xubnaha kuraastooda in la qabanayo doorashada waxaa ka mid ah gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey,Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo kursiga Wasiirka  Batroolka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed Axmed.

C/weli Muudeey oo aad loogu xanto Xisbiga Nabad iyo nolol ayaa laga yaabaa in lasoo saaro oo mar kale kursigiisa difaacdo marka loo eego tartanka lala geli karo,iyadoo hore Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Mahad Cabdalla Cawad ay hore uxaqiijiyeen in difaacdaan kuraastooda dibna loo doortay.

Horay Koonfur Galbeed waxay u qabatay doorashada 13 Kursi oo taallay Magaalada Baraawe, waana maamulka kaliyah ee doorashada ka bilowday deegaan doorashada labaad.