Doorashada shan kursi oo maanta ka dhacaysa Magaalada Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu qabto doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa waxaa kamid ah 11 kursi oo Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed ay shaaciyeen 1-dii Bishaan.

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya 5 kursi oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka, iyadoona tartanka uu yahay mid aad u xiiso badan.

Xubnaha maanta doorashadooda la qaban doono ayaa waxaa ka mid ah

1: Hop156 oo uu horey ugu fadhiyo Cali Cabdi Cusmaan, iyadoona ay ku tartami doonaan Maxamed Aadan Maxamed & Maxamed Ibraahim Isaaq.

2: Hop176 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Mursal Maxamed Boorow, waxaana ku tartamaya Cabdixakiin Mustaf Ibraahim iyo isla Maxamed Mursal Maxamed Boorow.