Muqdisho-(Ayaamaha)-Magaalada Muqdisho Waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaas oo uu ka Geeriyooday Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo 23-kii February ee sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wali Guddiga doorashooyinka ma shaacin tirada musharraxiinta u tartameysa Kursigaasi,Balse wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha tartamaya uu ku jiro mid ka mid ah Caruurtii uu dhalay Xildhibaanka Geeriyooday.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqore ayaa ka mid ah guddiga difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu door fiican ka soo qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya.