Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan shirkado badan oon aysan bixin lacagaha canshuurta ee laga rabay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan 20 shirkadood oo dalka jooga oon bixin lacagta canshuurta ee laga rabay, waxa uuna ugu hanjabay shirkadahaasi in sharciga lala tiigsan doono hadii aysan bixin canshuurta lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa shaaciyay in ay hada qarinayaan magacyada shirkadaha iyo ganacsatada aan bixin lacagaha canshuuraha balse marka dambe magacyadooda shaacin doonaan hadii ay bixin waayaan canshuurta laga rabo.

”Waxaan u digayaa labaatameeyo shirkado ah oon bixin canshuurtii laga rabay, waa digniin iska bixiya canshuurta ama magacyadiina ayaan shaacin doonaa ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkan ay filayeen in ay soo xarooto lacag gaareysa 20-Milyan dollar oo canshuur ah balse aysan soo xaroonin lacagtaasi lana qabtay lacag dhan 14-Milyan oo Dollar.