Dowladda federalka ee Soomaaliya ayaa shaaca kaqaaday in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey.

Wasiirka Cawad ayaa sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka.

Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda balse uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii dalalka caalamka ay la lahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda soomaaliya, waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna sheegay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.

Wasiir Cawad ayaa waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono.