MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saakay dib u bilaawday shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku dhex bur-burtay waaberigii hore ee shalay.

Diyaaradaas oo ka baxday Muqdisho ayaa ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse waxa ay ka soo laabatay hawada inta aysan gaarin Beledweyne, kadib markii uu duuliyuhu dareemay cilad.

Afar qof oo shaqaale ah ayaa la socotay diyaaradda markii ay dhex burburtay garoonka Aadan Cadde, waxaana laga soo badbaadiyey iyaga oo dhaawac ah, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawda Soomaaliya

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, waxaana ay ku habsatay dhabihii diyaaraddaha.