Muqdisho-(Ayaamah)-Dalal kamid ah Midwoga Yurub ayaa aqoonsadeen baasaboorka dalka Soomaaliya, siiba qeybaha Diblomaasiga iyo kan shaqaalaha iyo madaxda dowaldda ay qaataan.

Safaaradda Belgium ee Magaalada Nairobi ayaa qoraal ay soo saartay ku caddeysay inay aqoonsatay labada qeybood ee Baasaboorka Soomaaliga ee Diblomaasiga iyo Shaqada, iyadoo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay shaacisay in dalalka Belgium iyo Luxembourg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaalida.

Arrintan ayaa muddo waxaa ka shaqeynayey Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo hoos tagta Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.

Horay ayaa dalal badan u sheegeen inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya, laakiin weli waxay fiisahooda ku bixiyaan waraaqo gaar ah, waxayna noqoneysa tallaabo hore loo qaaday.