War kasoo baxay Dowladda Burundi ayaa lagu sheegtay inay la bixi doonto dhammaan ciidamada shanta kun ee ka jooga Soomalia, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto kunka ciidammada Burundi ee laga saarayo Soomaaliya.

Waxaa jirto walaac laga muujinayo in Soomaaliya ay weli ka fogtahay inay cagaheeda isu taagto, haseyeeshe heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay 20,000 ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Caqabadaha taagan ayaa ugu muhiimsan dhanka dhaqaalaha. Sababtoo ah bil kasta in ka badan 20,000 oo ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee la dagaallama Al-shabaab, ayaa qofwalbo wuxuu qaataa lacag ka badan 1000.

Dowladda dalka Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in Kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ay ka soo jeedaan Wadankeeda iyadoo dooneysa in qorshaha ka bixitaanka ay u sinaadaan dhamaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka Somalia.