Dhuusamareeb-Ayaamaha-Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta galmudug ayaa kulan ku dhexmaray Xukuumadda Soomaaliya iyo Hoggaanka Ahlu suna waxaana la filayaa in waqtiga soo socda qalinka lagu duugo heshiis rasmi ah oo Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka dhexmara.

Rajada Ahlusunna ee Heshiiska ayaa fududeysay in la socodsiiyo Howlaha Xulista Baarlamaanka,waxaana maanta oo sabti ah lagu wadaa in la xareeyo odayaasha saxiixayaasha ee aan horay loo xareyn maadaama xalay lagu guuleestay in la xaliyo tabashooyin ka dhex jiray beelaha qaar

Ahlu suna ayaa Heshiiskan u ogolaanaya in tiro 20-Xildhibaan soo xushaan,kuwaas oo ka mid noqon doona 89-xubnood ee Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rafaad badan ka martay geedi socodka dhismaha maamulka Galmudug iyo howlaha dib u heshiisiinta,waxaana hadda muuqda xoogaa isku soo dhowaansho ah.