Dhuusamareeb-Ayaamaha-Walaac xoog leh ayaa waxaa laga muujinayaa in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la tilmaamay in aysan ka tirsan Amisom ay faragaliyaan doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug.

Inta badan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug ayaa walaac iyo cambareyn xoggan ka muujiyey ciidamadaas, isla markaasina la sheegay in lagu qal qal galinayo doorashada Galmudug.

Saacadihii laso dhaafay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Mucaarad ah iyo Xisbiga wadajir aya soo saaray qoraal ay kaga hadlayaa Xaalada Galmudug ee waqtigan iyo suurtagalnimada faragalinta doorashada ee Ciidamadaasi.

28-kii bishan Ciidamo ka socda dowlada Itoobiya,hayeshee wali aan la xaqiijin in ay ka tirsan yihiin Howgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb oo martigalineysa doorasho ay saluugsan yihiin Madaxda Ahlu-sunna oo in muddo ah ka talinaya magaaladaasi.

Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa hore Magaalada Dhuusamareeb u geysay Ciidamo Booliis ah oo laga qaaday Muqdisho,Ciidamo Jabuutiyaan ah oo laga keenay Gobolka Hiiraan iyo Militeri,halka Itoobiyaanka gaaray magaalada ay fariisin ka sameysteen Meel aan sidaasi uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.