Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo gelinka dambe ee maanta.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si aad ah uga hadlayay arrinta Jubbaland, iyagoo ku celceliyay in la helo xal lagu gaaro siyaasad loo dhan yahay.

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan oo ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo  khilaafka Dowladda & Maamulka Jubbaland.

Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa sheegay in taageerada Mareykanka ay siinayaan Soomaaliya ay tahay mid diyaar ah, balse loo baahan yahay siyaasad loo dhan yahay oo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka dhaxeysa.

Safiirka Mareykanka waxaa uu xusay in barnaamijka Deyn cafinta aysan aheyn dhanka maaliyadda, balse ay ku jirto siyaasad wanaagsan oo loo dhan yahay.

Sidookale wakiilada ka socday Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa waxay dhammaan si wadajir uga hadlayeen qodobka siyaasadda loo dhan iyo in la helo hannaan lagu wada hadlo, si meesha looga saaro kala aragti duwanaanta.

Dowladda federaalka ayaa beesha caalamka waxaa ay ku dhaliileen hanaanka ay ay u isticmaasho maamulada dalka ka jira gaar ahaan jubaland waxayna sheegeen in khilaafka taagan lagu xaliyo wadahadal.