Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa dhaliilay qaabka ay dowlada Somalia u wajaheyso kiiska badda ee hor yaalla maxkamada Cadaalada ee ICJ.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya warar faah faahsan oo sugan siin jirtay Bulshada bale xilligaan taasi jirin,isla markaana markii Bulshada ay meelaha ka maqlaan kaliya ay dowladdu xaqiijiso.

Hoos ka akhriso qoraal kooban oo Yuusuf Garaad uu soo dhigay baraha bulshada.

“Dacwada badda markii la diyaarinyay qarsoodi ayay ahayd, intii ka dambeysay Dowladda ayaa bulshada war rasmi ah oo haddana sugan ka siin jirtay ergada tegeysa ICJ, goorta iyo waliba sababta loo tegayo.

Inta Maxkamadda la joogo ayaa mar kale shacabka war sugan laga siin jiray sida ay wax u socdaan.

Hadda ugu yaraan laba jeer ayaa fal dhacay dabadii uu suuqu u warramay shacabka, ka dibna ay Dowladdu u xaqiijisay.

Waana Markii ugu Horreysay ee siyaasi uu ka mid noqdo ergada Soomaaliya.

Ma xuma in wax cusub la isku dayo, laakiin haddii sidii hore ay wanaag badiso, ma ahan in lagu adkeysto sida cusub.