Muqdisho-Ayaamaha-1- Sanadkii 2019-ka ee tagay waxa uu ahaa sanad ay hareeyeen ismaandhaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo axsaabta mucaraadka ah. Gudoomiyaha Xisbiga Midqaran Dr. CabdiNuur sheikh Maxamed waxa uu soo jeedinayaa in Dowladda Federaalku ay hormuud ka noqoto sidii xal looga gaari lahaa arimaha masiiriga ah mudada kooban ee doorashada ka harsan, inta aysan dhicin in awoodo kale ay soo faragaliyaan oona khasbaan dowladda sidii dhici jirtay.

2- Sanadkii tagay dowladdu waxa ay u muuqatay mid dhagaha ka fureysatay talooyinka iyo qeyla dhaanta kasoo yeereysay waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si ay wax uga badasho siyaasadaha shaqeyn waayey ee la xiriira sida amniga iyo dhaqaalaha. Sanadkan ugu danbeeyo waxa looga fadhiyaa dowladda iyo ay noqoto mid u nugul dhageysiga muwaadiniinta kana jawaabto baahiyahooda iyada oo maanka ku heyso in dowladnimadu ay tahay muwaadinka oo loo khidmeeyo.

3- Dowladda federaalka ahi waxa ka weecatay muhimadii ay laheyd la dagaalanka Alshabab iyo sidii looga dulqaadi lahaa umadda Soomaaliyeed, taasi oo sahashay in awoodda alshaabab ay khatar ugu geysan karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay baahday. Waa in aan awoodeena dowladnimo isugu geynaa sidii aan cawadga ashabaab umadda uga dulqaadi laheyn.

4- Dowladdu waxa ay inoo sheegtaa in ay ka madax banaan tahay, banaankana ka taagan tahay khilaafka u dhaxeya wadamada Khaliijka ah, iyada oo ay xaqiiqadu u muuqato in aan ku milannay khilaafka u dhaxeeya wadamada khaliijka. Waa in aan la nimaadaa istiraatiijiyad dalkeenu uga baaqsan karo in ay saameyso dagaal u dhaxeeya wadamada aan xiriirka soo jireenka ah leenahay in uu dab hor leh ka huriyo dalkeena.

5- Dowladdu waxa ay ka shaqeyneysaa sidii shidaal dalka looga soo saari lahaa. Dalkeenu waxa uu u baahanyahay in Amniga wax laga qabto, hay’adaha dowladda oo la xoojiyo iyada oo la sameynayo dhamaan shuruucaha loo baahanyahay si musuqa wax looga qabto, iyo maamul wanaag inta aan laga fakarin shidaal soo saarid si aysan u dhicin in kheyraadka dalkeena oo la iska gurto iyada oo shacabkeenu faqri u dhamaanayo. Sidaas darteed waa in aan la nimaadaa qorshe dhameystiran iyo qaabka loo wadaagayo khayraadka inta aan galin marxalad kale ee keenta dhibaato sii daba dheeraata.

6- Faderaalku waa nidaamka ay ku dhisantahay dowladnimadeenu oo loo bahanyahay in la ilaaliyo, hadii ay noqotana la hagaajiyo iyada oo loo maraayo baarlamanka labada aqal ee Soomaaliya inta ay shacabka Soomaaliyeed cod uga qaadayaan.

7- Dowladda Federalku waa in ay aqbashaa in dowlad goboleedyadu ay dooran karaan dadka ku matalaya nimaadkooda iyada oo aan ku sameyn wax faragalin ah, iyada oo dowladu maanka ku heyso in mandate-keedu yahay in ay ka shaqeyso in dalku hore u socdo ee laga fogaado wax kasto oo keeni kara dib u dhac.

8- Xiliyada dalkeena uu galo khatar uga imaaneysa cadawga gudaha iyo dibeddaba, waa in aan u midownaa dhamaanteen in aan dalkeena difaaciisa u istaagno. Sidoo kale waa in Dowladda Federalku ay siisaa fursad ay mucaaradku ugu fushan karaan howlahooda iyada oo aan wax hor istaag ah lagu sameyn, mucaaradkuna ay ilaaliyaan dowladnimada iyo maslaxadda dalka aysan ku dhaqaaqin wax dhaawacaya nidaamka dowladnimada. Ugu danbeyn shacabkeenu waxa looga fadhiyaa in ay fahmaan in kooxda talada hayso iyo dowladnimadu ay labo kala yihiin. Dowladnimadu ay tahay midda ay naga dhaxlayaan jiilka mustaqbalka kana mug weyntahay koox markaa xukunka ku fadhisa. Si dowladnimadu ku xoogeysato kuna sii jirtana laga ilaaliyo wax kasta oo dhaawacaya oo ka imaan kara mucaarad iyo kuwa talada hayaba.

9- dowladnimadu waa sida matoorka oo mar walba u baahan in la dayac tiro oo la soo cusbooneeysiiyo qeybaha sida dhabta ah u shaqeyn waaya. Hadaba dowladdu waa in ay soo dhoweeysaa isbedelka hoggaan iyo mid shaqaale. In maskax cusub lagu soo biiriyo xukuumadda waxay labalaabeeysaa xawaaraha xukuaddu ku socoto si ay yoolkeeda u gaarto. Isbadal inuu dhaco waxa ay u wanaagsantahay mashiinka dowladnimo.

10- Guusha iyo guuldarada hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka waxay ku xiran yahay sida ay u gudatay waajibaadkeeda una fulisay balanqaadyadii ay sameyeen madaxda dowladdu markii ay talada dalka in ay qabtaan u ordayeen. Sidoo kale waxa go’aaminaya sida qaab xasilooni ah ay doorashooyinku ugu qabsoomaan, awoodaha sare ee dalkana si xasilooni ah loogu kala wareego.

W/Q: Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, guddoomiyaha Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed (Midqaran)

www.midqaran.org

Info@midqaran.org