MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay ka jawaabeen cabasho ka timid Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir,kaas oo ay ka qabeen qaar kamid ah Ciidamada Dowladda.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayuu Afhayeenka sheegay in baaris dheer ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed xabsiga dhigeen Ciidamo ka howlgalayay mid kamid ah baraha Koontorool ee Magaalada muqdisho,kuwaas oo uu sheegay in ay dadka Shacabka ah ka qaadayeen lacago laaluush ah.

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay gacanta ku dhigeen Askarta ku sugan goob lagu baaro Gawaarida, cabasho shacab ayaa nasoo gaartay, waxa aan ku sameynayay dabagal oo ugu dambeyn waan xirnay, waxaana ku socda Baaris.” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Ciidamada la xiray ayuu sheegay inay tallaabada ay laaluushka ku qaadanayeen ay dhacday xilligii lagu guda jiray bandowga Habeenkii ay dowladda Soomaaliya saartay Magaalada muqdisho walow dadka Muqdisho si iskood ah bandowga isaga qaadeen.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan ciidamada dowladda lagu eedeeyo inay lacago ka sameeyaan xilliyada ay xiran yihiin jadadka Muqdisho, iyaga gaadiidka kala duwan iyo Bajaajyada ka qaada lacago, kadibna sii daayey sida la arkay marar badan.