Muqdisho-Ayaamaha-Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka cadaaladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddigii loo xil saaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaas ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii xabsiga ka fakaday iyo sida ay ugu suurto-gashay.

Wasiirka ayaa sheegay in lala xisaabtami doono kuwii fududeeyay, sida ugu dhaqsiyaha badan.

3da maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar ayaa la sheegay in dhawaan baxsadeen, inkasta oo mid ka mid ah dib loo qabtay, sida lagu sheegay war ka soo baxay masuuliyiinta xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxaabista xabsiga ka baxsaday ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana horey loogu riday xukunno.