Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay su aal aheyd in Farageli ba’an ay ku hayso Siyaadaha isdiidin iyo xasilooni la aanta siyaadadeed ee ka jirta Soomaaliya.

Safiirka Itoobiya ee Kenya ayaa ka hadlya faragelin toos ah oo la sheegay inay ku heyso Arrimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan inay u adeegsaneyso arrimaha Siyaasadda Ciidamo aan kamid aheyn Holwgalka AMISOM.

Meles Alem oo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Nairobi ayaa arrimahaasi wax laga weeydiiyey waxaa uu sheegay in Dastuurka Itoobiya uusan ku jirin qodob ogolaanaya in madaxda dalka ay ku lug yeeshaan siyaasadda gudaha ee dalalka kale waxaana uu waxba kama jiraan ka soo qaaday warar laysla dhexmaraayey.

Safiirka waxa uu sheegay in marnaba Madaxda dowladda Itoobiya aysan qeyb ka aheyn waxa ka socda qaar kamid ah Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay horay ugu  eedeysay in uu faragelin ku sameeyey heshiiskii nabadeynta ee dalka South Sudan, iyo Arrimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacbaka iyo  Xubno kale oo siyaasiyiin ah ayaa dhowr jeer ku eedeeyey Dowladda Itoobiya inay Arrimaha Siyaasada Soomaaliya u adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyan ah oo aan kamiud aheyn AMISOM.