Dowladda Itoobiya oo Dawo gurmad ah ku wareejisay Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac uh dhaqaatiir u dhalatey Dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daweynta dhaawacyada isagoona kala wareegey Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale iadoo maanta ay Soomaaliya soo gaareen Dawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee Argagixisada ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.