Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa loo doortay inuu boqdo guddoomiyaha midowga baarlamaanada Afrika.

Guddoomiye Xumad ayaa sheegay in guushiisa ay fursad weyn u tahay dalalka geeska Afrika oo sanadihii dambe aan helin fursadaan oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

Xilkaan ayaa waxaa horay u hayey gudoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso ninka lagu magacaabo Alassane Bala Sakandé.

Guddoomiyaha cusub Maxamed Cali Xumad ahna guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jubuuti ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono isdhexgalka dalalka Afrika iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.

Guusha guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa ku soo aadaysa xilli ay dowladda Jabuuti kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey kula loo lamayso dowladda Kenya, waxayna siyaasiyiin badan guushaan ku tilmaameen mid Jabuuti fursad u siinaya galangal ay ku raadsato codad badan oo u saamixi kara inay ku guulaysato kursiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.