Kismaayo-Ayaamaha-Dowladda Kenya ayaa waxay ciidan xoogan soo dhoobtay xuduuda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena aan la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa soo dhoobashadooda halkaasi.

Ciidamada Militariga Kenya ayaa waxaa Axadii si aan horey loogu arki jirin loogu arkay xuduuda Degmada Ceelwaaq, halkaasoo la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo, balse warar qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay garab iyo gaashaanba u yihiin Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayan in Madaxweyne Ku-xigeenka loo diiday in uu gudaha u galo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib markii Masuuliyiinta Degmooyinkaasi lagu khasbay inaanay la shaqayn Jubbaland.

Madaxda Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xaalad ka abuurtay Gobolka Gedo, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay u carbisay inay ka shaqeeyan, sidii gobolkaasi uu uga madax bannaanaan lahaa Jubbaland.

Degmooyinka qaar ee Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa loolan adag oo u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo kala taageeraya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.