Ceelwaaq-Ayaamaha-Warar lagub kalsoonankaro ayaa waxaa uu sheegayaa in Dowlada Kenya ay garoon diyaaradeed ay ka sameyneyso degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkad fadhigeedu yahay Nairobi ay dhismo cusub ku bilowday garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Sarkaal kamid ah ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Kornel Aadan Rufle  ayaa sheegay in garoonkaasi ay dhisaneyso dowladda Kenya, islamarkaana ay ka leedahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sargaalkaan ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in jabhado laga soo aruuriyey Puntland, Soomaali Galbeed iyo NFD ay ka soo dajisyo garoonka cusub ee haatan laga dhisayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhinaca dhulka NFD.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in qandaraaska dhismahaasi ay soo qaateen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn.

Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ayaa waxaa ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhagar iyo hagardaamo uu sheegay inay wado Kenya.