Nairobi-(Ayaamaha)-Dowladda Kenya Heegankii ugu weynaa gelisay Ciidamadeeda, markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay halkaasi ku wajahan yihiin weerarro ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ammaanka Dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.

Kenya ayaa hakad galisay dhammaan gaadiidkii ka imaan jiray Mandheera ee u safrayay magaalada caasimada ah ee Nairobi ,waxaana gawaaridaasi ay ku sii hakan doonaan degmada Ceel-waaq, inta ay xaaladdu ka noqoneyso mid caadi ah.

Jeremiah Ole Kasiom oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa tilmaamay in xogta ay heleen ay sheegeyso in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in beegsadaan gawaarida dadweynaha ee isagala goosha deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya

Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada culus ee ay ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta ee dalka Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray Ciidamada ammaanka ee Dalkaasi.