Nairbi-Ayaamaha-Maxkamada Cadaalada Adduunka ICJ ayaa la filayaa in 9-ka bisha September ee sanadkan 2019 dib uga bilaabato dhageysida kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ.

Urur ay ku mediisan yihiin Qareennada dalka Kenya ayaa gal dacwadeed geeyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxa ayna Ururkan Maxkamada ka dalbadeen in Dowlada Kenya ka laabato kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi.

Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi.

Dowlada Kenya ayaa horey ugu guul dareesatay sheegashadeeda in ay leedahay dhulka ay hada muranka galineyso, waxa ayna Kenya ka cabsi qabtaa in Maxkamada caalamiga ka xukmiso biyaha Soomaaliya ee dooneyso Kenya in been been ku qaadato.