Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Koonfur Afrika ayaa albaabada isugu dhufatay safaaradda ay ku leedahay caasimadda Nigeria ee Abuja iyo qunsuliyadda xarunta ganacsiga ee magaalada Lagos kaddib weeraro lagu qaaday xarumaha ganacsi ay Koonfur Afrikaanka ku leeyihiin halkaas.

Waxay arrintaas aheyd tallaabo ah argoosi ah markii horraantii bishan magaalada Johannesburg lagu boobay dukaamo ay muwaadiniin Nigerian ah ku lahaayeen Koonfur Afrika.

“Markii aan helnay digniino ka imaanaya qaar kamid ah shacabka Nigeria, waxaan go’aansannay in si kumeel gaar ah albaabada isugu dhufanno safaaradda anaga oo qiimeyn ku sameyneyno xaaladda” ayuu yiri afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Lunga Ngqengelele.

Labadan dal waxaa soo kala dhexgalay khilaaf diblumaasiyadeed kaddib markii Koonfur Afrika ay ka dhaceen qulqulatooyin laga boobay xarumo ganacsi oo ay leeyihiin dad ajaanibta ah oo ay kamid yihiin muwadiniinta kasoo jeeda Nigeria.

Nigeria ayaa shalay isaga baxday shirkii dhaqaalaha ee ka furmay magaalada Cape Town ee dalkaas.