Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Kuwait ayaa si aad ah uga hadashay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarada ay sameysay, isagoona ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka inay muujiyaan midnimo, wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal.

Nawaf Al-Ahmad oo ah Lataliye sare oo Katirsan golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulo wax ka ool ah ay gaartay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero, si looga mira dhaliyo dadaalada xoogan ee hadda socda.

Mr Nawaf ayaa ka dalbaday xubnaha dalalka beesha caalamka in aysan ku xadgudnin madaxbanaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga taageero xasilinta guud ahaan Soomaaliya.

Lataliyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu shaaciyey inuu soo dhoweynayo muddo kordhinta lagu sameeyey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay markale ku dareen muddo hal sano ah.