USA-(Ayaamaha)-Dalka Maraykanka ayaa ku biirtey dalalka ku dhowaaqay inay ay joojinayaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX, waxaana ammarkan oo uu ku dhowaaqay Madaxweyne Donald Trump soo dhoweeyay madaxda Shirkadda samaysa Diyaaradaha noocaan ah iyo shaqaalaheeda.

Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhowaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan, markii dhowaan ay mid kamid ah diyaaradaha Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo gaarayay 57 Qof.

Ma jirto sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan ku dhacday Dalka Itoobiya balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia Toddobo bil kahor, waxaana ku dhintey 189 ruux, lamana hayo wax cadeymo ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin Labadaasi shil.

Shirkada Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe.