Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Mareykanka ayaa duulimaadyadii ka joojisay boqollaal ka tirsan duuliyeyaasha loo tababarayay ciidamada cirka ee dalka Sucuudiga ka dib weerar uu dhawaan askari u dhashay Sucuudiga uu ka geystay saldhigga milatari oo ku yaal goblka Florida ee dalka Mareykanka.

Waxaa dhammaan askartaasi Sucuudiga u dhalatay ee tababarrada u jooga Mareykanka laga joojiyay in ay wax duulimaad ah ku sameeyaan guud ahaan saldhigyada ciidamada Mareykanka balse wali waxa ay sii wadan doonaan tababarradooda kale.

Arrintan ayaa timid ka dib markii xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Mark Esper, uu amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo tababarka ciidamada cirka ee Sucuudiga ee lagu tababarayo gudaha dalka Mareykanka ka dib markii askari xiddigle ah oo u dhasahay Sucuudiga uu toogasho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada badda.

Sarkal ka tirsan Pentagonka ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi la qaday ay ujeedadoodu tahay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa hannaan amni oo khuseeya  dhammaan 5-ta kun ee arday ee ka socda caalamla ee ku sugan Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in waaxda gaashaandhigga ay hubin doonto dhammaan 5,000 ee askari ee u dhashay waddamada shisheeye ee haatan tababarka u jooga dalkaasi Mareykanka.

Xoghayaha gaashaandhigga Mark Esper ayaa telefishinka Fox News u sheegay in saraakiisha sar-sare ee ciidammadu uu ku amray in ay eegaan bad-qabka iyo ammaanka dhammaan saldhigyada ciidammada dalkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ballanqaaday in uu dib u eegis ku sameyn doono tababarrada ciidamada shisheeye loogu sameeyo gudaha dalkiisa.