Xogtan cusub ee an helnay ayaa waxay sheegaysaa in Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar uu qorshaynayo sidii Soomaaliya ugu soo diri lahaayeen Quburo dhanka amniga, kuwaasi oo tababari doona ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegay in wasiirka amniga dowladdaa Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay ka wada hadleen qorshaha ay saraakiisha dhanka amniga ugu soo dirayaan Soomaaliya, kadib kulan ay ku sheegeen magaaladda Qaahira ee caasimadda dalkaasi.

Maxamuud Towfiiq oo ah Wasiirka Amniga Dalka Masar ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay sidii wasaaraddiisa ay taageero taagyeero usiin laheyn ciidamada Booliska Soomaaliya.

Xalada aminiga Soomaaliya ayaa sii xumaatay, xilli dhawaan madaxweynahe Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qeyb galeen dalka Masar.