MUQDISHO-AYAAMAHA-Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa inay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, waxaana goloshu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID19.