Dowladda Oo Maanta Ciidamo Ku Daadisay Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo daadiyey jidadka muhiimka ah, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Waddooyinka ciidamada lagu daadiyey ee xiran  waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, jidadka soo gala degmooyinka Xamarjajab, Waabari & isgoyska Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in jidadkaasi loo xiray, si looga hortago banaabaxyo la sheegay in la qorsheeyey in maanta ka dhacaan Muqdisho, kawaas oo looga soo horjeedo dowladda.

Banaanbaxyadaas waxaa lagu soo warramayaa inay abaabulayaan musharraxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.