Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Oomar, ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshihii ay Dowladda Soomaaliya u soo celin lahayd shirkaddii “Soomaali Airline” ee ka shaqayn jirtay gudaha Dalka  iyo dibeddiisa.

Waxaa uu sheegay wasiir Oomaar, in isla Sanadkan 2019 gudihiisa lagu wado in dib loo soo celiyo Diyaaraddii  “Somali Airline, si ay adeegyadii caadiga ahaa u fuliso.

Shirkadda Duullimaadyada ee Soomaali Airline, ayaa saxadda ka baxday Sanaddii 1991-kii, markii ay bur-burtay Dowladdii Kacaanka ee muddada fog Dalka ka talineysay.