MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in uu iskusoo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab kaas lagu magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole magaciisa afgarashada {Caato} waxaana Al-shabaab u qaabilsan maaliyaada Gobolka shabeelaha hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in uu Ciidanka iksu oo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kaa so ka howlgalayay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa in Sarkaalka oo lagu Magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose,isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidanka DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sarkaalkaas uu u sheegay in kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dadka Shacabka ah uu go’aansaday in uu isaga soo baxo Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin in Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku wareejiyeen Hay’adaha kala duwan ee Amniga Dowladda Somaaliya,waxaana Xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab uu ugu baaqay inay dowladda isku soo dhiibaan.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u shaaciyaan inay isku soo dhiibeen Saraakiil kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya ama Al-Shabaab.