Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaan dhiga xukumada Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Munaasad koobann ayaa waxay kadhacday dekada magaalada Muqdisho ayadoo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa u mahadceliyey, isagoo sheegay in dowlada Qatar ay taageero lagarab istaagan tahay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar.

Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.